Shaxda Ugu Fiican Horyaalka Serie A-da Xilli Ciyaareedka Oo La Soo Saaray, Ronaldo & Lukaku Ayaa Hogaaminaya

Shabakada Caalamiga ah ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka 2020/2021.

Xilli ciyaareedka ayaa si Rasmi ah u soo xidhmay Axadii iyada oo la soo afjaray xilli ciyaareed aad u xiiso badnaa horyaalka Serie A-da oo aan la arkin 9-kii sano ee ugu dambeeyay.

Ku guulaysiga horyaalka ayaa lagu kala baxay iyada oo dhawr kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka halka boosaska champions League loogu soo bo lagu kala baxay maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareeda.

Kooxaha Napoli iyo Sassoulo ayaa shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka Serie A-da ku leh min laba xiddig kuwaas oo xiddigahaas oo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxaha Cagliarri, Ac Milan, Udinese, Roma, Atalanta, Juventus iyo Inter Milan ayaa dhankooda shaxda ugu fiican ku leh min 2 xiddig.


Source: laacibfm

SHARE