Wakhtiga Ay Real Madrid Ku Dhawaaqi Doonto Bixitaanka Zidane & Badalkiisa Suurtagalka Ah Oo La Ogaaday.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xaqiijin doonto bixitaanka Zinedine Zidane todobaadka iyadoo Max Allegri ugu cad-cad yahay in uu noqdo badalka Tababaraha.

Tababarihii hore ee Juventus ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Kooxda Real Madrid, Iyada oo Zidane u muuqdo inuu ka tagayo Los Blancos ka dib xilli ciyaareed koob la’aan ah.

Allegri ayaan wax shaqo ah hayn tan ilaa markii uu ka tagay Juventus sanadkii 2018 waxana si weyn loola xidhiidhinayay shaqooyinka kooxaha waaweyn ee qaarada yurub.

Paris Saint-Germain, Juventus & Real Madrid ayaa dhamaantood ah kooxahaa lala xidhiidhinayay tababaraha bilihii ugu dambeeyay xilli uu tababaruhu shaaciyay in uu ku soo laaban doono shaqada.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Allegri badali doono Zidane xagaaga iyada oo bixitaanka Zidane lagu dhawaaqi doono todobaadka dambe.


Source: laacibfm

SHARE