Willian Oo Doonaya In Uu Ku Laabto Chelsea, Sabab.

Willian ayaa doonaya inuu ka tago Arsenal kuna laabto kooxdiisii ​​hore ee Chelsea xagaagan, sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga ka ciyaara ee reer Brazil ayaa ka tagay Stamford Bridge ka dib toddobo sano oo uu joogay isaga oo qaab xor ah ugu biiray Arsenal xagaagii kadib markii ay chelsea diiday heshiiskii uu doonayay.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa ku biiray Arsenal laakiin hal sano kadib waxa uu doonayaa in uu isaga tago kooxda kadib markii uu ku dhibaatooday kaliyana hal gool u dhaliyay 37 kulan oo uu u ciyaaray.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, xiddiga garabka ka ciyaara ayaa doonaya in uu isaga tago Arsenal kuna laabto chelsea sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu ka hoos ciyaaro tababare Thomas Tuchel.

Willian ayaa kaliya 12 bilood la joogay Arsenal laakiin waxa uu durba doonayaa in uu isaga tago si uu ugu laabto kooxda Chelsea oo uu wakhti fiican ku soo qaatay 7-dii sano ee uu joogay.


Source: laacibfm

SHARE