Xiddiga Ugu Fiican, Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican, Goolhayaha Ugu Fiican & Abaalmarinaha Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Premeir League Oo La Bixiyay

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican xilli ciyaareedka iyo waliba xiddiga ugu fiican saandka ee premier League.

Bruno ayaa Abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka ku garaacay xiddiga kooxda Man City ee Ruben Dias kadib qaab ciyaareed cajiib ah soo uu soo bandhigay.

Bruno ayaa dhaliyay 18 gool oo premier League ah 12 kalena caawiye ka noqday 37 kulan oo uu u ciyaaray Man United waxana uu helay cod dhan 36.2% halka uu xiddiga ku dhaw ee Ruben Dias Helay 21.5% cod dhan.

Halkan Kaga Bogo codadka ay helan xiddigaha u tartamayay abaalmarinta:

  1. Bruno Fernandes (Manchester United) – 36.2%
  2. Ruben Dias (Manchester City) – 21.5%
  3. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – 15.3%
  4. Kevin De Bruyne (Manchester City) – 7.9%

= Mohamed Salah (Liverpool) – 7.9%

  1. Ilkay Gundogan (Manchester City) – 4.5%

= Riyad Mahrez (Manchester City) – 4.5%

  1. Son Heung-min (Tottenham Hotspur) – 2.3%

Dhanka kale xiddiga Man United ayaa loo magacaabay abaalmarinta xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Chelsea ee Mason Mount kadib markii uu hogaamiyo u noqday kooxda Man United.

Xiddiga reer Portugal ayaa helay cod dhan 43.4% isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda chelsea ee Mount kaas oo helay 17.1% halka xiddiga kevin De Bruyne helay 12.6%.

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha u tartamayay Abaalmarita iyo codadka ay heleen:

  1. Bruno Fernandes (Manchester United) – 43.4%
  2. Mason Mount (Chelsea) – 17.1%
  3. Kevin De Bruyne (Manchester City) – 12.6%
  4. Ilkay Gundogan (Manchester City) – 9.1%
  5. Phil Foden (Manchester City) – 7.4%
  6. Jack Grealish (Aston Villa) – 5.1%
  7. Tomas Soucek (West Ham United) – 4%
  8. James Maddison (Leicester City) – 0.6%

= Declan Rice (West Ham United) – 0.6%

Ugu dambayn Goolhayaha kooxda chelsea ee Edouard Mendy ayaa ku guulaystay abaalmarinta Goolhayaha ugu fiican ee xilli ciyaareedka isaga oo abaalmarinta ku garaacay Goolhayayaasha Emiliano Martinez & Ederson

Goolhayaha chelsea ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu helay cod dhan 29.3% isaga oo abaalmarinta ku garaacay labada Goolhaye ee Emiliano Martinez & Ederson oo wada helay 24.6% iyo 24%.

Halkan Kaga Bogo Goolhayayaasha u tartamay Abaalmarinta:

  1. Edouard Mendy (Chelsea) – 29.3%
  2. Emiliano Martinez (Aston Villa) – 24.6%
  3. Ederson (Manchester City) – 24%
  4. Alisson Becker (Liverpool) – 13.8%
  5. Kasper Schmeichel (Leicester City) – 8.4%

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Abaalmarinahan bixiyeen shaqada SportsMole ee ku taala dalka England kuwaas oo ay Akhristayaasheedu u codeeyeen xiddigaha.


Source: laacibfm

SHARE