AFA Xiddig Oo Go’aamin Doona Mustaqbalkooda Man United Final-ka Europa League.

Dhawr xiddig ayaa go’aamin doona mustaqbalkooda Man United kulanka caawa Man United ee Final-ka tartanka Europa League.

Red Devils ayaa wajihi doonta kooxda Villarreal kulan ay fursad u haystaan in ay ku guulaystaan europa League xilli ciyaareedkan.

Tababare Ole Gunnar Soslkaer ayaa shak la’aan sidoo kale ka fikiraya xilli ciyaareedka dambe iyo waliba suuq mashquul badan bilaha soo socda.

Waxa jiri doona xiddigo badan oo isaga tagi doona kooxda xilli uu Solksjaer qorshaynayo in uu dib u dhis ku sameeyo koxodiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay 4 xiddig oo caawa ciyaari kara kulankoodii ugu dambeeyay waliba go’aamin kara mustaqbalkooda Man United ee xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska aya sheegaya in qaab ciyaareedka ay xiddigahaas soo bandhigaan Final-ka caawa uu go’aamin doono in ay sii joogi doonaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigahaas ayaa kala Ah Paul Pogba,David De Gea, Eric Bailly Iyo Fred kuwaas oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka intii badnayd xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE