Antonio Conte Oo Ku Dhaw In Uu Ku Soo Laabta Premier League, Kooxdee Doonaysa?

Tottenham ayaa wada dadaal weyn oo ay ku dooneyso inay ku qanciso Antonio Conte inuu u dhaqaaqo waqooyiga London, waxaana lagu soo waramayaa inay u soo bandhigeen tababaraha Inter mushaar aad u weyn.

Inkasta oo uu kooxda ku hogaamiyay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan hadana waxa jira warar sheegaya in uu Tababaraha reer Italy isaga tagi doono kooxda Inter Milan sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee kooxdu wajahayso iyo in aanay awood u lahayn in ay u keento xiddigaha uu doonayo xagaaga.

Laakiin haatan wargeyska La Stampa ayaa sheeganaya inay jirto sabab kale oo tababaraha ku dhiiri galinaysa in uu isaga tago kooxda Inter Milan tas oo ah mushaharka waalida ah ee ay Tottenham u soo bandhigtay.

Inkasta oo ay Tottenham ku dhamaystay kaalinta 7-aad hanada Waxa ay diyaar u tahay in ay Conte miiska u saarto mushahar dhan 17 milyan oo euro sanadkii.

Conte ayaa kooxda Inter Milan haatan ka qaata 11 Milyan oo euro waxana ay Tottenham doonaysaa in uu noqdo tababarohooda xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE