Barcelona Oo Ronald Koeman Ku War Galisay Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Laga Gaadhay Mustaqbalkiisa.

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa ku wargaliyay Ronald Koeman kulankii Salaasadii in uu raadinayo tababare cusub ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Laporta ayaa sidoo kale ka codsaday Koeman muddo 15 maalin ah si ay wadahadalo ula furaan tababaraha cusub ee shaqada ka badali doona.

Macluumaadkan waxa soo saaray TV3 oo aan sheegin wax warbixin ah o ku saabsan wakhtiga lagu dhawaaqi doono badalka tababaraha.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii uu wakiilka Ronald Koeman ee Rob Janse sheegay Salaasadii uu rajo fiican ka qabo mustaqbalka tababaraha ee kooxda Barcelona waliba u sheegay Cadena SER In uu tababaruhu sii joogi doono kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee ma jirto wax warbixin ah oo ku saabsan arinta oo ay soo saareen kooxda Barcelona iyo tababaraha Laftiisu.


Source: laacibfm

SHARE