Chelsea Oo Ku Guulaystay Racfaankii Ay Ka Gudbisay Kaadhkii Casaa Ee Cesar Azpilicueta

Kabtanka Chelsea Cesar Azpilicueta ayaa laga cafiyay kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay kulankii Aston Villa ee ugu dambeeyay premier League.

Daafaca ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii ay chelsea guuldarada 2/1 ah kala kulantay kooxda Aston Villa kulankii uu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee kadib markii ay chelsea racfaan ka gudbisay xidhiidhka Premier League waxa la xaqiijiyay in laga qaaday ganaaxi 3-da kulan ee kaadhka casaanka ahaa ee uu seegi lahaa bilowga xilli ciyaareedka dambe.

Maamulka premeir League ayaa haatan xaqiijiyay in Azpilicueta Laga qaaday ganaaxa 3-da kulan ee uu watay kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay.

Warkan ayaa ah mid u fiican Blues maadama uu xiddigan diyaar u noqon doono kulamada bilowga horyaalka premier League xilli ciyaareedka soo socda.


Source: laacibfm

SHARE