David Alaba Oo Lagu Arkay Madrid Ka Hor Inta Uuna Dhamaystirin Heshiiska Uu Ugu Biirayo Real

Daafaca bidix ee kooxda koowaad ee Bayern Munich, David Alaba, ayaa yimid caasimada Spain, “Madrid” shalay, Talaadadii, isagoo durba isku diyaarinaya heshiiska rasmiga ah ee Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska Alaba ee Bayern Munich ayaa dhici doona 30 bisha dambe waxana uu xiddiga reer Austria shaaciyay in uu isaga tagi doono Bayern Bayern Munich isaga oo qaab xor ah ugu biiri doona Rela Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa si guul leh ku soo gabagabeysay wadahadaladii Alaba ka dib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay koob la’aan ku dhamaystay.

Sida laga soo xigtay “GOL TV”, Alaba ayaa yimid maagalada Madrid waxana uu isku diyaarinayaa in uu qalinka ku duugo heshiiska uu ugu biirayo kooxda Real isaga oo sidoo kale raadsanaya guri uu dago.

Waxaa xusid mudan in Alaba uu kooxda Real Madrid u saxiixi doono heshiis 5 sano ah oo ku joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2026 sanadkiina mushahar ahaan u qaadan doono 15 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE