DEG-DEG: Liverpool Oo Saacadaha Soo Socda Dhamaystiri Doonta Saxiixeedii Ugu Horeeyay.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay saacadaha soo socda dhamaystiri doonto saxiixa daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan bogiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in ay kooxda Liverpool saacadaha soo socda bixin doonto lacagta lagu bur-burinayo heshiiska xidiga Ibrahima Konate ee kooxda RB Leipzig.

Kooxda Liverpool ayaa muddo bilo ah lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig Ibrahima Konate si ay ugu xoojiyaan daafacooda xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Ibrahima Konate sidoo kale waxa uu maray tijaabada caafimaadka maalmo ka hor waxana haatan la sugayaa inta ay Liverpool bixinayso lacagta.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegay in saacadaha soo socda ay Liverpool bixin doonto lacagta 35 milyan ah ee lagu bur-burin karo saxiixa xiddiga si ay u dhamaystiraan heshiiska.


Source: laacibfm

SHARE