Karim Benzema Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Zinedine Zidane, Miyuu Baxayaa Mise?

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay in Zinedine Zidane uusan ka tagi doonin Real Madrid xagaagan xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka tababaraha reer France.

Real Madrid ayaa ku guulaysiga horyaalka La Liga u seegtay kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Madrid ee Atletico Iyaga oo sidoo kale bilaa koobab baxay xilli ciyaareedka taas oo la macno ah in ay kooxdu bilaa koob baxay markii ugu horaysay tan ilaa 2010.

Heshiiska Zidane ee Real Madrid ayay hal sano ka hadhsantahay waxana jira warar sheeaya in uu tababaruhu isaga tagi doono kooxda kadib markii uu dhamaaday xilli ciyaareedku.

Si kasta ha ahaatee kabtanka 3-aad ee Real Madrid Karim Benzema ayaa wargayska L’Equipe u sheegay in uuna tababaruhu meelna uga socon kooxda xagaagan.

“Zidane mar walba si daacad ah ayuu wax iigu sheegaa, aad ayaan u Ixtiraamaa sababta oo ah runta ayuu mar walba ii sheegaa kalsooni weyna wuu isiiyaa”.

“Sida aan ogahay Zidane waxa uu sii ahaan doonaa tababaraha Real Madrid, ma arko in uu ka tagayo kooxda, kamana tagi doono, waad arki doontaa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE