Liverpool Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhay In Ay Qaab Toos Ah Ula Wareegto Ozan Kabak

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargalin doonto Schalke 04 inaysan si toos ah ula wareegi doonin daafaca dhexe ee Ozan Kabak xagaagaan.

20 jirkaan reer Turkey ayaa amaah ugu soo biiray Reds suuqii January waxana ay dookh u haystaan in ay qaab toos ah ugula wareegaan 18 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Daily Mail, Jurgen Klopp ayaa hadda u weecday bartilmaameedyada kale iyadoo daafaca RB Leipzig Ibrahima Konate uu ugu sarreeyo liiska uu doonayo.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow dahay inay la soo wareegto xiddiga Ibrahima Konate oo 21 jir ah kaas oo haatan tijaabada caafimaadka kooxda u maray lana bixinayo lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa ee 34-ka milyan.

Kooxdo badan oo premier League ah ayaa haatan doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa Kabak si ay u helaan saxiixiisa marka loo eego in lagu heli karo qiimo aad u jaban


Source: laacibfm

SHARE