Shax Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Laga Reebay Liiska Xulka Qaranka England Ee Tartanka Euro 2020.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa soo saaray liiska hor dhaca ah ee xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020 isaga oo magacyo waaweyn oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay ka tagay.

Patrick Bamford, James Maddison, Aaron Wan-Bissaka & Danny Ings ayaa ka mid ah xiddigaha uu tababaruhu ka reebay Liiska xiddigaha uu u qaadan doono tartanka xagaaga bilaaban doona

Liiska xiddigaha uu ka tagay tababaruhu ayaa isku jir ahaan xulka qaranka u ciyaaray 126 kulan waxana ay ka mid yihiin xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhiay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga Barmford ayaa dhankiisa lama filaan ku noqotay in laga reebay Liiska marka la eego in uu ka mid ahaa xiddigii ugu goolasha badanaa horyaalka premeir League xilli ciyaareeday.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxda laga sameeyay xiddigaha laga reebay xulka qaranka England iyo tartanka Euro 2020:

Is this the best XI players not to make Gareth Southgate's England squad?


Source: laacibfm

SHARE