Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Xiddigihii Iska Diiday In Ay U Ciyaaraan Xulk Qaranka England Oo La Soo Saaray.

Xulka qaranka England ayaa soo saaray Liiska 33-ka xiddig ee hordhac ah ee xiddigaha matali doona tartanka Euro 2020 ee soo socota.

Xulka Saddexda Libaax ayaa isha ku haya in ay ku guulaystaan tartanka la qaban doono bisha soo socota iyada oo ay u soo bexeen xiddigo da’yar ah oo cajiib ah.

Muddo 10 sano ah xulka qaranka England ayay u soo baxayaan xiddigo da’yar ah iyada oo sanadba sanadka ka dambeeya hela xiddigo cajiib ah oo ku fiican boosaskooda.

Hadana sanadihii ugu dambeeyay England waxa iska diiday xiddigo badan oo ka ciyaara Premier League kuwaas oo doortay in ay matalaan xulal kale oo ka kala tirsan qaaradaha adduunka.

Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Giovanni Reyna ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee iska diiday xulka qaranka England isaga oo ka doortay in uu u ciyaaro xulka dalka Maraykan.

Laakiin ma ahan xiddigii ugu horeeyay ee iska Diida xulka England laakiin waxa jira xiddigo badan oo iska diiday in ay u ciyaaraan xulka qaranka England waxana ugu magac weyn xiddigaha Haaland iyo Gareth Bale.


Source: laacibfm

SHARE