Shaxda Wareerka Ah Ee Xiddigaha Seegi Doona Tartanka Euro 2020 Oo La Soo Saaray.

Waxa la isku diyaarinayaa bilaabashada tartanka Euro 2020 oo baaqatay sanadkii hore waxana ay xiddigaha iyo xulalka ka qayb galaya isku diyaarinayaan ka qayb galka tartanka oo noqon doona mid xiiso leh.

Laakiin waxa jira xiddigo magac weyn leh kuwaas oo seegi doona tartanka Euro 2020 waxana ka mid ah xiddigaha Sergio Ramos, Erling Haaland, Virgil van Dijk iyo waliba xiddigo kale oo waaweyn.

Xiddigaha seegaya tartanka ee shaxda laga sameeyay ayaa Tartanka ku seegi doona sabab kala duwan kuwaas oo ah dhaawacyo u diiday in ay ka qayb qaataan tartanka iyo waliba sabab la xidhiidha in xulalkooda laga reebay tartanka.

Kabtanka xulka Sweden ee Ibrahimovic ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay xulka qarankiisa bilo ka hor laakiin waxa soo gaadhay dhaawac jilibka ah taas oo keentay in laga saaro Liiska.

Haaland ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha seegi doona tartanka kadib markii xulka qarankiisa laga reebay tartanka markii ay ka qayb qaateen kulamada kala baxa ee loogu soo baxayay tartanka.

Daafacyada Ramos iyo Van Dijk ayaa dhankooda si weyn loo filayay in ay xulalkooda hogaamiyaan tartanka laakiin waxa ay ku seegi doonaan dhaawac soo gaadhay.

The best XI stars to miss out on Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE