Taageerayaasha Premier League Oo U Codeeyay Shaxdooda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkii Dhamaaday.

Taageerayaasha Premier League ayaa soo xushay shaxdooda ugu fiican xilli ciyaareedkii dhamaaday horyaalka premier League iyaga oo doortay 11-kii xiddig ee ugu fiicnaa iyo tababarihii ugu fiicnaa.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray xilli ciyaareedka 2020/2021 Axadii iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah waliba muujiyay tayadooda xilli ciyaareedka.

Kooxda Man City oo ku guulaystay horyaalka premier League ayaa ah kooxda shaxda taageerayaasha xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 5 xiddig kadib ku guulaysigii Premier League.

Kooxaha Man United iyo Tottenham ayaa dhankooda shaxda ku leh min 2 xiddig halka ay kooxaha Liverpool iyo Aston Villa shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaya sidoo kale taageerayaashu u doorteen tababarihii ugu fiicnaa premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.


Source: laacibfm

SHARE