Tababaraha Xulka Belguim Roberto Martínez Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Tartanka Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka Belguim ee Roberto Martinez ayaa xulka Qaranka England u magacaabay xulka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Europ 2020 oo bilaaban doona 11 bisha June ee soo socota.

Xulka Belguim ayaa Group B Kula jira xulalka Russia, Denmark iyo Finland halka xulka England ku jiro Group D lana Group ah xulalka Croatia, Czech iyo Scotland.

Roberto Martinez oo la hadlaya wargayska Deportivo Quattro ayaa yidhi”Xulka England ayaa ah xulka sida xoogan ugu sharaxan sababta oo ah 6 kulan ayay ku ciyaari doonaan garoonkooda Wembley sidaas darteed arintaas ayaa sabab u ah.

Xulka qaranka England ayaa tartanka soo galaya iyada oo wax weyn laga filayo tartanka marka loo eego in ay ku jiraan xiddigo da’yar ah oo waliba tayo leh.

Kooxda.com ayaa xusaysa in tartanka Euro 2020 ee sanadkan lagu qaban doono dhawr magaalo oo kala duwan marka loo bar-bar dhigo tartamada sanadihii hore.


Source: laacibfm

SHARE