Wakhtiga Uu Sergio Aguero Gaadhi Doono Barcelona Si Uu U Dhamaystiro Heshiiskiisa Oo La Ogaaday.

Wararka ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in weeraryahanka kooxda Man City ee Sergio Aguero u safri doono Barcelona Isniinta soo socota si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Wargeyska Esport3 Onze ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine u safri doono Barcelona kadib dhamaadka xilli ciyaareedka Man City Final-ka champions league oo sabtida dhici doona.

Aguero ayaa maalintaas qalinka ku duugi doona heshiiska uu ugu biiri doono kooxda Barcelona si uu uga garab ciyaaro xiddiga Lionel Messi xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu Aguero ku biiri doono kooxda Barcelona marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro kooxda ku guulaystay premier League.

Xiddiga reer Argentine ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Barcelona suuqa xagaagan isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis 3 sano ah.


Source: laacibfm

SHARE