Agaasimihii Hore Ee Barcelona Oo Kala Cadeeyay Mustaqbalka Lionel Messi.

Agaasimihii hore ee kooxda Barcelona Robert Fernandez ayaa sheegay in uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi sii joogi doono kooxda Barcelna.

Mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo uuna xiddigu wali hesiis cusub u saxiixin kooxda Barcelona waliba isaga tagi karo kooxda bisha soo socota.

Lionel Messi ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha PSG iyo Man City kadib markii uu Lionel Messi warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Barcelona suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Laakiin Robert Fernandez ayaa sheegay in uu hubo in uu Lionel Messi sii joogi doono kooxda Barcelona oo uuna waliba meelna uga socon kooxda reer Catalan.

“Wuu sii joogi doonaa, waxa aan hubaa in uu Messi sii Joogi doono Barcelona, marka loo eego in aan si fiican aqoon ugu leeyahay, waxa aan hbaa in uu sii joogi doono Barcelona”ayuu Robert Fernandez yidhi.

“Ma helin macluumaad sheegaya in uu Lionel Messi ka tagi doono kooxda Barcelona”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE