Alan Shearer Oo Soo Doorta Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedka.

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa soo xushay shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Waxa dhamaaday xilli ciyaareedka horyaalka premier League iyada oo lagu kala baxay tartanka iyo boosaska champions league maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka.

Shaxda waxa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda Man City oo ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo ku leh shaxda ugu fiican 5 xiddig kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Kooxda Man United ayaa shaxda ku leh 3 xiddig kuwaas oo oo uu Shearer u doortay shaxdiisa ugu fican horyaalka premier League xilli ciyaareedkii damaaday.

Kooxaha Aston Villa, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig halka uu Shearer u doortay Tababare Pep Guardila u doortay tababaraha ugu fiican xilli ciyaareedka.

Image

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE