Alberto Moreno Oo Fariin U Diray Kooxdiisii Hore Ee Liverpool Kadib Markii Uu Man United Ku Garaacay Final-ka Europa League.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Villarreal ee Alberto Moreno ayaa Fariin u diray taageerayaasha kooxda Liverpool kadib markii uu kooxdiisa kula guulaystay Koobka Europa league oo ay ka qaadeen kooxda ay xafiiltamaan Liverpool ee Man United.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/1 wakhtigii dabiiciga ahaa waxana lagu kala baxay rikoodhayaal iyada oo uu Goolhaye David De Gea khasaariyay rikoodhadii ugu dambaysay.

Moreno oo 5 sano ku qaatay Liveprool ka hor intii uuna ku biirin Villarreal sanadkii 2019 ayaa badal ku soo galay ciyaarta final-ka waxana uu laagtay rikoodhadii kooxdiisa isaga oo dhaliyay.

Xilli uu ku jiray dabaal daga koobka Moreno ayay baraha bulshada qaab Live ah ugula biireen taageerayaal badan oo Liverpool ah kuwaas oo taageerayay xiddigoodii hore.

Intii uu ku jiray dabaal daga Moreno ayaa yidhi”Dhamaan taageerayaasha Liverpool” Taageerayaasha Liverpool, soo dhawaadata, taageerayaasha Man United Baxa, Baxa waxana uu sii raaciyay Heesta Liverpool ee “Kaligaa Ma Socdaashid” Liveprool mar walba qalbigayga ayaad ku jirtaan”.


Source: laacibfm

SHARE