Barcelona Oo Laba Tababare Isha Ku Haysa Xilli Macalin Koeman Lala Qaatay Kulan Xog Yar Laga Helay

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay bilaabeen raadinta badelka macalinkooda haatan ee Koeman.

Koeman ayaa la xaqiijiyay in talaadadii ay wada kulmeen madaxa kooxdaas ee laporte balse aysan wada gaarin go`aan kama dambeys ah oo ku aadan aayaha macalinka ee qalcadda Camp Nou

Wargeyska Sport ayaa soo xiganaya in madaxa Barca uu ku war giliyay Koeman in uu baadi goobayo badalkiisa

Sidaas oo ay tahay wakiilka macalinka waxa uu ku dooday in wadahadaladaas ay ahaayeen kuwo mira dhal ah Koemanna uu sii joogayo Barcelona

Wargeyskaas waxa uu intaas ku sii darayaa in Laporte oo haminayo kuna riyoonayo in uu la soo hishiiyo Pep oo haatan City hogaaminaya horayna u soo layliyay Barca

Sidaas oo ay tahay warar ayaa sheegaya in ay adag tahay in waqti dhaw Pep helaan waxaana  sidaas darteed dookha labaad u ah macalinka qaranka Biljimka ee Martines

Sidoo kale laacibkii hore Barcelona ee Xavi ayaa liiska ku jira balse taageero weyn kama haysto golaha maamulka Barca


Source: laacibfm

SHARE