Daawo: Oohintii Bruno Fernandes Kadib Markii Man United Laga Qaaday Koobka Europa league.

Kooxda Man United ayaa ku fashilantay ku guulaysiga Europa League kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Villarreal Kulan ka dhacay dalka Polland.

Inkasta oo ay Man United maamulaysay ciyaarta bilow ilaa dhamaad hadana labada kooxood ayaa isla gaadhay rikoodhayaal kuwaas oo xitaa aad u adkaa waliba dhamaan xiddigaha labada kooxood laagteen rikoodhada.

Goolhaye David De Gea ayaa ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee iska khasaariyay fursad uu kooxdiisa ugu sii wadi lahaa ciyaarta kadib markii ay dhamaan xiddigaha labada kooxood laagteen rikoodhada.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Villarreal ku dhamaysatay in ay ku guulaystay koobka Europa League markii ugu horaysay taariikhdooda kana qaaday kooxda Man United.

Kadib dhamaadka ciyaarta waxa la arkay xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes kaas oo ooyaya kadib markii kooxdiisa laga qaaday koobka oo ay u soo dadaaleen waliba doonayeen in ay koob la’aanta kaga baxaan xilli ciyaareedkan.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE