DEG-DEG: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Uu Zinedine Zidane Isaga Tagay Kooxda.

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu Zinedine Zidane isaga tagay kooxda Kadib markii la kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Tababaraha reer France ayaa ka tagay kooxda markii 2-aad xirfadiisa Tababaranimo kadib markii uu kooxda ku soo laabtay bishii March sanadkii 2019.

“Waxa la gaadhay wakhtigii la Ixtiraami lahaa go’aankiisa iyo waliba in aan uga mahad celino shaqadiisa xirfadnimo iyo qaabkii uu u matalay Real Madrid”ayay Real Madrid warbixin ku soo saartay.

“Zidane waa mid ka mid ah Halyeeyada kooxda waxana uu shaqo fiican ka qabtay kooxda xiddig ahaan iyo tababare ahaanba”.

“Waxa uu ogyahay in uu ku jiro qalbiga Taageerayaasha Real Madrid, Madrid-na waxa ay mar walba ahaan doontaa gurigiisa”ayay sii raaciyeen.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE