Ederson Oo Digniin U Diray Chelsea Ka Hor Kulanka Final-ka Champions League.

Goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa shegay in ay si taxadar leh ula ciyaari doonaan kooxda Chelsea Final-ka champions League isaga oo sheegay in ayna samayn doonin khaladaadkii ay sameeyeen kulamadii hore ee ay la ciyaareed chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa garaacday man City labadii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo ku garaacay 1/0 iyo 2/1 kulamo ka tirsanaa FA Cup-ka iyo horyaalka premier League.

Ederson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi’Nasiib xumo waxa aan laba guuldaro kala kulanay chelsea kulamadii ugu dambeeyay laakiin waxa aan u ciyaarnay si fiican guud ahaan”.

“Waxa aan samaynay khaladaad laakiin ma doonayno in aan mar kale samayno khaladaadkaas kulanka Final-ka waxana aan u malaynayaa in aan diyaar u nahay kulanka”.

“Hadii aan u ciyaarno sidii aan u ciyaaraynay 6-dii bilood ee ugu dambeeyay waxa aan fursad fiican u haysanaa in aan ku guulaysan karno koobka champions League”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE