Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay In Uu Ka Fikiray In Uu Badalo David De Gea Markii La Gaadhay Rikoodhayaasha Kulankii Villarreal.

Final-kii Europa League ayaa lau kala baxay rikoodhayaal iyada oo xitaa labada kooxood isla dheeraadeen dhinaca gool dhalinta iyada oo dhamaan xiddigihii dhexda ka ciyaarayay dhaliyeen goolkoodii.

Laakiin Goolhayaha Man United David De Gea ayaa khasaariyay rikoodhada isaga oo u gacan galiyay Villarreal koobka Europa League markii ugu horaysay taariikhdooda.

Si kasta ha ahaatee Goolhaye Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaarta kadib sheegay in uu ka wal-walsanaa rikoodhka Goolhaye ee ka qayb galista rikoodhayaasha waxana uu xitaa sheegay in uu ka fikirayay in uu badalo.

“Waa in aad ka fikirto wado walba, dabcan, waxa aan ka fikiray in aan badalo De Gea markii ay rikoodhayaal gaadhay ciyaartu”ayuu Solskjaer yidhi.

“Wax walba way dhici karaan rikoodhayaal, laakiin waxa aan ku adkaystay De Gea sababta oo ah isaga ayaan u diyaarinay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE