RASMI: Ac Milan Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

Kooxda Ac Milan ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Mike Maignan kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Lille.

Mike Maignan ayaa noqon doona xiddig Ac Milan ah 1 bisha July ee soo socota marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Goolhaye Mike Maignan ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2026 waxana uu kooxda u xidhan doonaa Lambarka 16.

Mike Maignan Ayaa noqon doona badalka tooska ah ee Goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo isaga tagi doona kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Ac Milan.


Source: laacibfm

SHARE