Ronaldo, Mbappe, Tielemans, Konate, Pogba, Hazard, Varane & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiisaynayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Leicester City ee Youri Tielemans iyaga oo u doonaya badalka Gini Wijnaldum (Express).

Man United ayaa isha ku haysa in ay dib u soo celiso Cristiano Ronaldo waxana ay ka fikirayeen qorshahaas tan ilaa bishii April (Express).

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab waali ah u soo bandhigtay isaga oo noqon kara tababaraha 2-aad ee ugu mushaharka badan premier League (Express).

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu tababare Zinedine Zidane ka tagay kooxda isaga oo soo afjaray waayihiisii 2-aad ee tababarka (Guardian).

Kooxda Leiester City ayaa doonaysa in ay si toos ah ula wareegto daafaca amaahda ugu joogay Liverpool ee Ozan Kabak (Mirror).

Xiddiga RB Leipzig ee Ibrahima Konate ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Liverpool kadib markii ay kooxdu bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga (Mirror).

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa lagu war galiyay in uu Goolhaye Gianluigi Donnarumma isaga tagi doono kooxda xagaaga (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa suuqa dhigtay 5 xiddig oo kooxda 1-aad ah xilli uu Jurgen Klopp doonayo in uu isku shaandhayn ku sameeyo kooxdiisa xagaaga (Star).

Kooxaa Man City iyo Liverpool ayaa Man United kula biiray tartanka saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane (Sport).

Kooxda Borussia Dortmund ee ayaa doonaysa in ay chelsea hal mar kala wareegto xiddigaha Callum Hudson-Odoi & Tammy Abraham (Bild).

Kooxda Real Madrid ayaa ku kalsoon saxiixa xiddiga Garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe (Marca).

Wakiilka Mino Raiola ayaa xiddiga Paul Pogba u soo bandhigay kooxda PSG (Le Parisien).

Rajadii Liverpool ee saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Udinese ee Rodrigo de Paul ayaa kor u kacdaykadib markii ay Ac Milan isaga baxday baacsiga ay ugu jirtay xiddiga (Express).

Kooxda Chelsea ayaa iska diiday fursad ay dib ugula soo saxiixan karto xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Eden Hazard (AS).

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE