Sababha Keentay In Uu Zinedine Zidane Isaga Tago Real Madrid.

Wargeyska Marca ayaa shaaca ka qaaday in go’aanku uu Zinedine Zidane uga tagay kooxda Real Madrid la qaatay bilo ka hor iyada oo kooxda iyo tababaruhuba dareemeen in ay gaadhay wakhtigii ay laba wado kala mari lahaayeen.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu Tababare Zinedine Zidane isaga tagay kooxda kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka iyada oo uu tababaraha reer France markii 2-aad isaga tagay Los Blancos.

Isla wargayska ayaa sheegay in bishii January wakhti adag ku ahayd tababaraha reer France gaar ahaan markii kooxda laga reebay tartanka Copa del Rey-ga isla markaas xanuunka Korona ku dhacay.

Wargayska ayaa sheegay in uu wakhtigaas tababaruhu go’aansaday in uu isaga tago kooxda gaar ahaan marka ay kooxdu dooratay in ay u dhaqaaqdo tababare cusub oo dib u dhis ku sameeya kooxda waliba adeegsada xiddigaha da’yarka ah.

Sidaas darteed Zidane ayaan arintaas raaxo ku dareemin waxana uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda markii 2-aad kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE