Saddex Tababare Oo Ugu Cad-Cad In Ay Shaqada Real Madrid Ka Badalaan Zinedine Zidane

Iyadoo la ogyahay in Zinedine Zidane uu ka tagi doono Real Madrid, wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan cidda saxda ah ee beddeli doonta ayaa bilaabatay iyada oo ay ugu cad-cadyihiin Massimiliano Allegri, Antonio Conte iyo Raul.

Zidane ayaa haatan go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisii ​​labaad ee uu hogaaminayay Los Blancos, taasoo uu kula guuleystay horyaalka LaLiga Santander xilli ciyaareedkii 2019/20 isaga oo horay kooxda ugu hogaamiyay horyaalka sanadkii 2016/2017 iyo 3 champions League oo uu ku hogaamiyay kooxda.

Real Madrid ayaa maalintii ugu dambaysay la gaadhay tartanka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan laakiin Atletico Madrid ayaa ku guulaystay maalintii ugu dambaysay horyaalka.

Allegri ayaa ah dookha ugu fiican ee Real Madrid xilli haatanba lala xidhiidhinayo shaqada kooxda Los Blancos todobaadyadii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Tababare Conte ayaa ah dookh kale oo ah Mid hor yaala kooxda Real Madrid kadib markii uu isaga tagay kooxda Inter Milan kadib markii uu sanadkii hore ku hogaamiyay horyaalka Serie A-da.

Dhanka kale Halyeeyga kooxda ee Raul ayaa sidoo kale ah mid hor yaala maamulka Los Blancos si ay uu buuxiyaan booska tababare Zidane ka tagayo kooxda xagaaga.


Source: laacibfm

SHARE