Waa Maxay Sababta Ay Fashilkii Man United Ee Final-ka Europa League War Xun Ugu Tahay Liverpool?

Taageerayaasha Liverpool ayaa shaki la’aan xalay ku raaxaystay Fashilkii Man United ee ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan iyada oo ay ku guulaystay kooxda Villarreal.

Laakiin Guuldaradaas ayaan war fiican u ahayn tababaraha Liverpool iyo kooxdiisa Reds iyada oo dhigaysa Group adag tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Wareega Group-yada champions league xilli ciyaareedka dambe ayaa bilaaban doona August, Pot 1 waxa ku jiri doona kooxaha ku guulaystay horyaalada yurub sida  Manchester City, Atletico Madrid, Bayern Munich, Inter Milan, Lille & Sporting Lisbon.

Kadib ku guulaysigii Europa League kooxda Villarreal ayaa ku biiraysa Pot 1 lana jaaraysa kooxaha waaweyn ee qaarada yurub.

Sidaas darteed Man United ayaa Pot 2 la gali doonta kooxaha Liverpool, Paris Saint-Germain, Barcelona,Juventus,Real Madrid & Sevilla.

Kaliya waxa Pot 2 ka banaan hal boos waxana gali doona kooxda Chelsea hadii laga qaado champions league sidaas darteed Kooxda Borussia Dortmund ayaa ku jiri doonta Pot 3 waxana ay Group la noqon kartaa kooxda Liverpool.

Isku soo wada duuboo kooxda Liverpool ayaa la Group noqn karta kooxo adag wareega Group-yada champions Leageu kadib markii Man United laga qaaday Final-ka Europa League.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE