Wakhtiga Ay Liverpool Ku Dhawaaqi Doonto Saxiixa Ibrahima Konate Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga Ibrahima Konate kadib marka uu dhamaysto tartanka Euro-21 ee uu kala qayb galayo xulka qarankiisa France.

Xiddiga RB Leipzig ayaa la rumaysanyahay in uu qarka u saaranyahay in uu ku biiro Anfield iyada oo Liverpool bixinayso lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in uu Ibrahima Konate haatanba maray qayb ka mid ah tijaabada caafimaadka waliba aanay wax dhibaato ah ku soo bixin xaalada xiddiga.

Haatan, ESPN ayaa ku warramaysa in heshiiska uu Konate ugu biirayo Merseyside uu dhammaad ku dhow yahay waliba ay kooxdu ku dhawaaqi doonto saxiixa xiddiga marka uu guto waajiabaadka xulka qarankiisa.

Konate Ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee ay samayso kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaari doona Virgil Van Dijk.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE