WARBIXIN: 5 Tababare Oo Shaqada Ka Badali Kara Zinedine Zidane Kadib Markii Ay Kooxdu Xaqiijisay Bixitaanka Tababaraha.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu Tababare Zinedine Zidane isaga tagi doono kooxda markii 2-aad kadib markii uu ku soo laabtay kooxda bishii March ee sanadkii 2019.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan baxday koob la’aan kadib markii ay Atletico Madrid u diiday maalintii ugu dambaysay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay horyaalka La Liga Zidane ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Waxa jira tababarayaal badan oo haatanba lala xidhiidhinayo Real Madrid si ay u noqdaan badalka Zidane una noqdaan tababaraha cusub ee kooxda Los Blancos.

Max Allegri

Max Allegri ayaa ahaa tababaraha ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda caasimada laakiin arintaas ayaa haatan u muuqata mid aan suurtagal ahayn.

Allegri ayaa la sheegayaa in tdobaadkan loo dhibici doono kooxda Juventus kuwaas oo go’aansaday in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Andrea Pirlo.

Raul Gonzalez

Raul ayaa haatan ah tababaraha kooxda Castilla ee Real Madrid waxana lala xidhiidhinayaa in loo soo dalacsiin doono kooxda 1-aad si uu shaqada uga badalo Zidane.

Halyeeyga Man United ayaa hogaaminayay kooxda Castilla tan ilaa xagaagii 2019 waxana uu kooxda ku hogaamiyay koobka UEFA Youth League sanadkii 2020 waxana uu maray isla wadadii uu maray Zidane ka hor intii aan loo magacaabin kooxda 1-aad ee Real Madrid sanadkii 2016.

Antonio Conte:

Antonio Conte ayaa ka tagay Inter Milan todobaadkan kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay 11 sano.

Tababaraha reer Italy ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan laakiin waxa uu ku xunyahay in uu xidhiidh xun la yeesho masuuliyiinta kooxda.

Tababarihii hore ee chelsea ayaa haatan lala xidhiidhinayaa u dhaqaaqsita Real Madrid kadib markii uu isaga tagay kooxda Inter Milan.

Mauricio Pochettino:

Tababaraha reer Argentine ayaa bishii January loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda PSG laakiin waxa jira warar lama filaan ah oo sheegaya in uu isaga tagayo kooxda kadib markii uu ku fashilmay in uu ku hogaamiyo Horyaalka France.

Tababaraha ayaa horay uga soo shaqeeyay Spain isaga oo soo tababaray kooxda Espanyol waxana uu haatan ka mid yahay dookhyada Los Blancos ay u aragto badalka Zidane.

Joachim Low:

Tababaraha reer Germany ayaa isaga tagi doona xulka qaranka Germany kadib tartanka Euro 2020 waxana uu ka mid yahay magacyada cusub ee diirada u saaran kooxda Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay.

Maurizio Sarri:

Tababarihii hore ee chelsea iyo Juventus ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa xagaagii hore kadib markii uu ka tagay Juventus.

Tababarahan ayaa ku soo laaban doona shaaqada Tababaranimo waxana uu ku biiray liiska tababarayaasha ay Real Madrid u raadinayso badalka Zidane.

Sii Akhriso: 4-ta Fure Ee Farxada Guurka.


Source: laacibfm

SHARE