Chelsea Mise Man City? Michael Owen Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Final-ka Champions League.

Michael Owen ayaa saadaaliyay in ay Man City garaaci doonto chelsea kuna guulaysan doonto champions league markii ugu horaysay taariikhdooda.

Labada kooxood ee premier League ayaa isaga hor iman doona Porto kulanka final-ka champions League sabtida.

Man City ayaa ku dhibaatootay ku guulaysiga champions League inkasta oo ay lacag badan galisay kooxda si ay koobkaas mar uun gacanta ugu dhigto.

Dhanka kale chelsea ayaa isha ku haysa ku guulaysiga champions league markii 2-aad ee taariikhdooda kadib markii ay horay ugu guulaysteen koobka sanadkii 2012.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo 2 jeer garaacay Man City todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin Michael Owen ayaa sheegay in ay Man City ka aarsan doonto Chelsea kuna garaaci doonto champions League.

“Markii 2-aad muddo 3 sano ah final-ka champions league waxa isaga hor iman doona laba koox oo England ah”ayuu u sheegay Bet Victor.

“Man City ayaa ugu dambayn ka baxday nasiib xumadii Quarter-final-ka champions league waxana ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican”.

“City waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed fiican iyaga ayaana ugu Cad-Cad ku guulaysiga koobka”.

“Si kasta ha ahaatee chelsea ayay laba guuldaro kala kulantay sidaas darteed Blues waxa ay aaminsanyihiin in ay fursad haystaan”.

“Marka loo eego qaab ciyaareedkii xumaa ee ugu dambeeyay chelsea ee kulamadii ugu dambeeyay waxa ay Man City ka caawinaysaa ku guulaysiga koobka”ayuu sii raaciyay.

“Waxan u malaynayaa in ay Chelsea difaac gali doonto kadib weerar rogaal celis ah qaadi doonto laakiin Man City ayaa maamuli doonta ciyaarta”.

“Aniga oo arintaas maskaxda ku haya waxa aan Man City u saadaalinayaa in ay koobka champions league ku qaado natiijo 2/0 ah”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE