Cristiano Ronaldo Oo Haatanba Go’aanka Mustaqbalkiisa U Sheegay Xiddigaha Juventus, Maxaa Cusub?

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu u sheegay qolka labiska kooxda Juventus in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa Turin ku soo biiray xagaagii 2018 isaga oo kaga soo biiray Spain laakiin waxa uu arkay kooxdiisa oo seegtay ku guulaysiga horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka dhamaday.

Heshiiska 36 jirkan ee kooxda Juventus ayaa dhici doona xagaaga 2022 laakiin waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda Juventus xagaagan.

Sida laga soo xigtay Il Messaggero, Ronaldo ayaa u sheegay asxaabtiisa Juventus inuu doonayo inuu baxo suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Kooxaha Man United iyo Sporting Lisbon ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay lala xidhiidhinay saxiixa Cristiano Ronaldo xilli ay PSG sidoo kale xiiso u muujisay saxiixiisa.


Source: laacibfm

SHARE