DEG-DEG: Juventus Oo Shaqada Ka Caydhisay Andrea Pirlo & Allegri Oo Ku Soo Laabanaya Kooxda

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah shaqada uga cayhisay tababare Andrea Pirlo kadib hal xilli ciyaareed oo uu kooxda hogaamiyay.

Kooxda Juventus ayaa ku fashilantay in ay ku guulaysto horyaalka Serie A-da markii ugu horaysay muddo 9 sano ah iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 4-aad ee xilli ciyaareedka.

Pirlo ayaa sidoo kale ku fashilmay in uu kooxda dhaafiyo wareega 16-ka ee champions Leageu iyaga oo Fc Porto kala gulmary guuldaro labadii kulan ee wareega 16-ka.

Kooxda Juventus ayaa maanta oo jimce ah xaqiijisay in uu Pirlo ka tagay kooxda laakiin uga mahad celiyay shaqadii uu kooxda u qabtay intii uu hogaaminayay kooxda 1-aad.

Tababarihii hore ee Juventus Max Allegri ayaa la filayaa in loo magacaabo tababaraha cusub ee kooxda Juventus isaga oo haatanba ogolaaday in uu ku laabto kooxda mar kale kadib markii uu isaga tagay sanadkii 2019.


Source: laacibfm

SHARE