DEG-DEG: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate kadib markii ay bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga.

Kooxda Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay wakhti Xiddiga Ibrahima Konate kaas oo xitaa ku baaxay qayb ka mid ah tijaabada caafimaadka.

Wargayska Daily Mail iyo saxafiyiin u dhaw Liverpool ayaa haatan xaqiijiyay in ay Kooxda Liverpool haatan Si Rasmi ah u bixisay lacagtii lagu bur-burinayay xiddiga Ibrahima Konate.

Liverpool ayaa haatan bixisay lacag dhan 36 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga reer France kaas oo noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan filayso in ay si Rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa xiddiga 21 jirka ah 48 saac ee soo socota.


Source: laacibfm

SHARE