DEG-DEG: Liverpool Oo Xajiisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Ibrahima Konate

Kooxda Liverpool ayaa xaaqiijisay in ay dhamaystirtay daafaca dhexe ee Ibrahima Konate kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.

Liverpool ayaa sheegtay in uu xiddiga 22 jirka ah qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah haatana sugayo inta uu helayo warqada shaqada ee dalka UK.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro kooxda Liverpol”ayuu Ibrahima Konate yidhi isaga oo ka hadlaya dareenkiisa ku aadan ku biirista kooxda Liverpool.

Ibrahima Konate Ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Liverpool samayso xagaagan iyada oo si Rasmi ah loo soo bandhigi doono kadib markii uu dhamaysto tartanka Euro U21 ee uu kala qayb galayo xulka qarankiisa.

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale xaqiijisay in la shaacin doono Lambarka uu xiddigu u xidhan doono kooxda maalinta la soo bandhigi doono ee uu dhamaysto tartanka Euro U21.


Source: laacibfm

SHARE