DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa David Alaba.

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa David Alaba oo ay si xor ah ugala soo wareegeen kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Real Madrid waxana uu noqon doonaa xiddig Real Madrid ah 30 bisha June marka uu dhoco heshiiskiisa Bayern munich

Real Madrid ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa xiddiga kadib markii muddo bilo ah lala xidhiidhinayay kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Bayern Munich.

Real Madrid ayaa Alaba heshiis hordhac ah la gaadhay Bishii January waxana ay haatan Si Rasmi ah u xaqiijisay in uu dhamaystiray heshiiska uu ugu biirayo Los Blancos.

Xiddiga ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka shalay waxana ay haatan Si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddigu qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono mushahar 11 milyan ah.

Alaba ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Real Madrid ee xagaagan waxana ay saxiixiisa ku garaacday kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga 28 jirka ah.


Source: laacibfm

SHARE