Halka Uu David Alaba Ka Gali Karo Shaxda Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa xiddiga David Alaba kaas oo heshiis 4 sano ah qalinka ku duugay isaga oo qaab xor ah ugu soo biiray kooxda Los Blancos.

Daafaca reer Austaria ee Alaba ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Bayern Munich isaga oo heshiis hordhac ah la gaadhay Los Blancos bisii January ee bilowgii sanadkan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ka ciyaari kara boosas badan sida daafaca Bidix, khadka dhexe iyo waliba daafaca dhexe taas oo ah sababtii ay Real Madrid ula soo saxiixatay xiddiga.

Alaba ayaa imanaya Real Madrid xilli ay waayi doonaan xiddiga Sergio Ramos kaas oo dhankiisa qaab xor ah uga tagi doona kooxda hadii uuna Heshiis cusub u saxiixin kooxda.

blog_image


Source: laacibfm

SHARE