Man United Oo David De Gea U Isticmaalaysa Saxiixa Xiddig Uu Ole Gunnar Solskjaer Doonayo.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u isticmaasho David De Gea qeyb ka mid ah dalabkeeda ku aadan saxiixa goolhayaha kooxda Atletico Madrid Jan Oblak, sida ay wararku sheegayaan.

Goolhayaha reer Slovenia ayaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah goolhayayaasha adduunka ugu fiican wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii Atletico Madrid ee ku guulaysiga horyaalka Spain.

Dhanka kale United ayaa ku jirta xaalad aan fiicnayn oo dhanka goolka ah iyada oo ay labada Goolhaye ee Dean Henderson iyo David De Gea ku tartamayaan booska 1-aad ee Man United.

Si kasta ha ahaatee Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ayna labada Goolhayeba qancin tababare Ole Gunnar Solskjaer sidaas darteed uu qorshaynayo in uu u dhaqaaqo saxiixa Goolhaye Oblak.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso in ay 70 milyan iyo waliba David Dea Gea miiska u saarto Atletico Madrid si ay u hesho Jan Oblak si ay u hesho saxiixa Goolhayaha.


Source: laacibfm

SHARE