Man United Oo Diyaarsatay 4 Xiddig Oo Ay U Dhaqaaqi Doonto Suuqa Xagaaga Si Ay Ugu Xoojiso Kooxda.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarsatay 4 xiddig oo waaweyn oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda suuqa xagaaga waliba uu hogaaminayo xiddiga Tottenham ee Harry Kane.

Inkasta oo ay kaalinta 2-aad kaag dhamaysteen premier League hadana xilli ciyaareedka Man United ayaa ku dhamaaday koob la’aan kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Villareal Final-kii Europa League.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu 4 saxiix oo waaweyn ku soo daro kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddigaha Harry Kane, Jadon Sancho, Pau Torres iyo Declan Rice yihiin xiddigaha uu Solskjaer u calaamadsaday in uu ku soo daro kooxdiisa suuqa xagaaga.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale la filayaa in ay iska iibiso xiddigo badan ka hor inta ayna wax saxiixyo cusub ah samayn maadama ayna awood u lahayn arintaas sabab la xidhiidha dhanka dhaqaale xumada.


Source: laacibfm

SHARE