Ronaldo Iyo Tababare Horay U Soo Layliyay Oo Ka Hadkay Mustaqbalka Laacibka

Wargeyska Lastampa ee Italy ayaa qoraya in tababaraha cusub Roma ee Jose Mourinho uu xariir toos ah la sameeyay Ronaldo .

Ronaldo oo ka niyad jabsan xaaladiisa Juve  ayaa haatan lala xariirinayaa in uu ka tagayo kooxdaas xilli la xusay in saaxibadiisa ku war giliyay in uu baxayo .

Waxaa la xaqiiyay in Jose uu taleefanka kala xariiray Ronaldo si uu wax uga ogaado go`aanadiisa mustaqbalka

Kooxo badan ayaa ka wel welsan mushaarka Ronaldo uu doonayo balse Jose arintaas kama baqin waxa uuna haminayaa in uu la soo wareego laacbkiisa hore

Balse su`aasha waxa ay Tahay Roma ma awoodaa mushaarka Ronaldo ee sanadkii gaaraya 30-ka milyan ee euro

Ronaldo iyo Jose ayaa sedex sao horay u soo maray Real Madrid waxaana  la xusayaa in xariirkooda wacan yahay , lamana helin jawaabta Ronaldo uu siiyay macalinkiisa hore  maadaama warar badan sheegayaan in laacibkaan PSG uu soo aadi doono .


Source: laacibfm

SHARE