Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man City Vs Chelsea Oo La Soo Saaray Ka Hor Final-ka Champions League

Kulanka aadka loo sugayo ee final-ka champions league ee ay isaga hor iman doonaan kooxaha premier League kana dhici doona garoonka Estadio do Dragao iyada oo Man City iyo chelsea dib u soo cusboonaysiin doonaan xafiiltankooda.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ugu dambayn ka baxay nasiib xuamadii Quarter-final-ka waxana ay isha ku hayaa ku guulaysiga tartanka markii ugu horaysay taariikhdooda.

Dhanka kale Thomas Tuchel ayaa markii 2-aad oo xidhiidh ah iska xaadiriyay Final-ka champions league kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore la gaadhay kooxda PSG laakiin waxa uu markan doonayaa in uu chelsea kula guulaysto maadama uu xilli ciyaareedkii hore ku fashilmay.

Labada kooxood ayaa Final-ka gali doona iyaga oo si kala duwan ku dhamaystay xilli ciyaareedka premier League iyaga oo City guul weyn oo 5/0 ah ka gaadhay Everton halka ay Chelsea guuldaro kala kulantay Aston Villa.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo kala duwan oo cajiib ah waliba leh tayo aad u fiican waxana shaki la’aan ah in ay soo bandhigi doonaan Finalka awoododa ciyaareed marka ay iska hor yimaadaan.

Shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda sabtida ee final-ka champions league.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay Man City ku leedahay kaliya 3 xiddig shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.


Source: laacibfm

SHARE