Wakhtiga Uu Lionel Messi Heshiiska Cusub U Saxiixi Doono Barcelona Oo La Ogaaday.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto in Lionel Messi uu saxiixi doono heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo, ka dib markii uu ka qeyb galay Copa America oo uu u matalayo xulka qarankiisa Argentina.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa haatan tababar la qaadanaya xulka qarankiisa kaas oo uu kala qayb gali doono tartanka Copa America oo bilaaban doona 13 bisha June laguna qaban doono dalkiisa.

Messi ayaa ka war qaba in kooxda Barcelona laga ganaaxi karo champions league xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kooxdu ka qayb ahayd tartankii fashilmay ee European Super League.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Mail, Barcelona ayaa weli rajeyneysa in xiddiga 6-da jeer ku guulaystay Ballon d’Or inuu qalinka ku duugi doono heshiis cusub, xitaa haddii aysan ka qeyb galeynin tartamada yurub ee xilli ciyaareedka soo socda.

Barca ayaa sidoo kale aaminsan in imaatinka suurtagalka ah ee weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero, oo ay saaxiibo dhow yihiin Messi, ay ka caawin karto inuu ku qanciyo inuu sii joogo.

Messi ayaa si aad ah u doonayay inuu ka tago Camp Nou xagaagii hore ka dib markii uu codsaday in la iibiyo, laakiin ugu dambeyn wuu sii joogay ka dib markii Barcelona ay dalbatay in la bixiyo lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa oo ahayd 625 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE