Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka William Saliba

Kooxda Arsenal ayaa sheegtay in uuna xiddiga William Saliba iib ka ahayn kooxda suuqa xagagan maadama uu xiddigu ku jiro qorshaha tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu hal xilli ciyaareed amaah ku qaatay kooxda Nice, daafaca dhexe ayaa ku soo laabtay Emirates waxana la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe.

Waxa jiray warar badan oo ku saabsan mustaqbakiisa iyada oo lala xidhiidhinayay in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wargayska football.london ayaa sheegaya in ayna Kooxda Arsenal iska iibin doonin xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arteta ayaa doonaya in uu xiddiga reer France Fursad siiyo kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si uu u muujiyo tayadiisa si uu uga sii qayb ahaado qorshaha kooxda Arsenal.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE