Arsenal Oo Ka Jawaabtay Dalabkii Furitaanka Ahaa Ee Ay Roma Ka Gudbisay Saxiixa Granit Xhaka

Kooxda Arsenal ayaa diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Roma ka gudbisay saxiixa xiddiga Granit Xhaka sida ay sheegayaan wararku.

Jose Mourinho ayaa xiddiga Xhaka u doonaya in uu ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee kooxda Roma kadib markii uu noqday tababaraha kooxda.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay Roma miiska u saaray Arsenal dalab lacageed oo dhan 17 milyan oo euro iyo waliba 7 milyan oo Gunooyin ah.

Laaiin Kooxda Arsenal ayaa diiday dalabkaas iyga oo doonaya in ay helaan lacag dhan 18 milyan oo euro oo halka hore ah hadii ay doonayso in ay iibiyaan xiddiga khadka dhexe ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Xhaka ayaa dhankiisa u furan in uu ku biiro kooxda Roma isaga oo doonaya in uu ciyaaro tartan kale isagana tago kooxda Arsenal suuqa xagaagan

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE