Arsenal Oo Xiiso U Muujisay Saxiixa Laba Xiddig Oo Ay Man City Suuqa Dhigtay Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay labada xiddig ee Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez taas oo heegan galisay kooxda Arsenal ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdisia kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka sidoo kale haatan fursad u haystaan ku guulaysiga champions league.

Xiddigaha Sterling iyo Mahrez ayaa ku lug lahaa 14 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxdu diyaa ru tahay in ay iska iibiso.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta xiiso xoogan u muujiyay saxiixa labada xiddig kadib markii uu muddo 3 sano ah kula soo shaqeeyay Man City markii uu caawiyaha u ahaa Guardiola.

Si kasta ha ahaatee xaalada dhaqaale ee Koxda Arsenal ayaa ka hor istaagi karta in ay labada xiddigba la soo wareegto suuqa xagaaga marka uu uu furmo.

Sii Akhriso: Faa’iidooyinka Xidhiidhka Caafimaadka Qaba


Source: laacibfm

SHARE