Daawo: Kevin De Bruyne Oo Oohin Is Qaban Waayay Markii Dhaawaca Looga Saaray Final-ka Champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay final-ka champions League qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii ay isku dheceen xiddiga chelsea ee Antonio Rudiger.

Kevin De Bruyne ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Man City isaga oo u dadalayay in ay kooxdiisu dhaliso goolka bar-baraha xilli looga hor maray gool qaybtii dambe ee ciyaarta.

De Bruyne ayaa isku dayay in uu dhaafo xiddiga Rudiger laakiin xiddiga reer Germany ayaa isku dhigay waxana uu Xiddiga khadka dhexe ka dhaawacmay madaxa oo xigta dhinaca wajiga gaar ahaan isha dusheeda.

De Bruyne ayaa isku dayay in uu sii wato ciyaarta kadib daawayn lagu sameeyay laakiin xiddiga ayaa ugu damayn lagu badalay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo badalk u soo galay.

Xiddiga reer Belguim ayaa la arkayay isaga oo ooyaya kadib markii badalka lagu sameeyay isaga oo ka niyad jabsanaa in uu dhamaysan kari waayay ciyaarta ay kooxdiisu ku dambayso kulanka.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE