Daawo: Qaabkii Ay Chelsea Kor Ugu Qaaday Koobka Champions League.

Kooxda chelsea ayaa markii 2-aad ee taariikhdooda ku guulaystay champions Leaue kadib markii ay garaaceen kooxda Man City kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Estadio do Dragao.

Gool uu dhaliyay Kai Havertz ayaa Chelsea kaga filanaa in ay ku guulaystaan champions league markii 2-aad ee taariikhdooda iyaga oo waliba ka fursado fiicnaa kooxda Man City.

Chelsea ayaa markii ugu horaysay tan ilaa 2012 ku guulaystay koobka dhagaha weyn ee ugu magac weyn yurub iyaga oo meel cad mariyay kooxda Man City oo ahayd kooxda ugu cad-cad koobka.

Kooxda chelsea ayaa u dabaal dagtay koobka iyada oo uu kabtankoodu kor u ruxay koobka champions league xilli ciyaareedkan oo ay u qlameen in ay ku guulaystaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Qaabka ay xiddigaha chelsea ugu dabaal dageen koobka Champions League.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE